3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan kulamada wadatashiga ee doorashada dalka

 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya waxaa  ka bilaawday kulamo  looga hadlayo khilaafka doorashada oo ay ka qeybgalayaan madaxda heer federaal, qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan sidoo kale waxaa ka qeybgalay oo goob ka ah wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo kala hadlaya madaxda Soomaalida xaalada cakiran ee dalka iyo in si deg deg ah looga gudbo khilaafka soo jiitamay ee wali ka taaggan arrimaha doorashada.

Waxaa ka maqan oo aan joogin shirka madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo labaduba muhiim u ah kulanka si loo soo afjaro qoddobada leysku hayo ee wali doorashadu ka dhaqaaqi la'dahay.

Lama oga in ay ku soo biiri doonaan kulamada wadatashiga ah ee socda iyo in kale hasse ahaatee dhawaan madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka fiirsan doonaan ka qeybgalka shirka Muqdisho.

Sidoo kale labada dowlad gobolleed ayaa dib ugu yeeray xubnihii gudiyada ahaa ka joogay magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro ku matalayay dhawaan shirkii ku soo dhamaaday magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay.

Qoddobada ugu waaweyn ee leysku hayo si dalku u aado doorasho wadar ogol ah ayaa ka mid ah arinta gobolka Geido Dowladda federaalka iyo Jubbaland wali isku mari la'yihiin

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    

























Click here
2/21/2021 2:39 PM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu dambeyay ee Caabuqa Cudurka Covid-19 ee guud ahaan dalka.

2/21/2021 12:54 PM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhaw qoraal kasoo saartay shirkii maanta u furmay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo aay goobjoog ka ahayeen Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaana kulanka looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

2/21/2021 9:35 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2021 (HOL)- madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasarada beeraha ee Somaliland, ayaa sheegay in wax soo saarku yahay lafdhabarta dal kasta oo horumara isla markaana cidii aan cunto ku filan lasoo bixin ay dawladaha kale u talinayaan.

2/21/2021 9:05 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sharuud ku xirtay ka qeybgalka shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo lagu wado inuu magaalada Muqdisho ku dhex maro dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

2/21/2021 7:36 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2021 (HOL)- Hoodo Gareys oo ah saxafiyad ka howl gasha muuq baahiyaha Horyaal, ayaa sheegtay, in ciidamada booliska Somaliland ay u gaysteen jidh dil iyada iyo hooyadeed, xili ay doonayeen in ay warqad dhaawac muujin ah gabadh dhaawaca uga soo qaadan saldhiga booliska ee xaafada Qudhac dheer ee magalada Hargaysa maalintii Jimcaha ee 19 kii bishan Febraayo.

2/21/2021 7:10 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in uusan jirin waddan loo oggol yahay inuu u adeegsado covid-19 si uu marmarsiiyo kaga dhigto inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah.

2/21/2021 6:36 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2021 (HOL)- Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa xisbiyada siyaasada ee Somaliland ku eedeeyay in ay bulshada qabaa’il ukala saarayaan, iyagoo musharixiinta ku xidhaya in ay qabaa’iladooda soo kaxaystaan si ay xisbi uga mid noqdaan.

2/21/2021 6:04 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa qareeno caalami ah u magacaabatay in ay ku matalaan dacwadda badda ee ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ee ICJ.

2/21/2021 5:06 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw la xaqiijiyay geerida alle ha u naxariisteen Fannaanadii weyneyd Faadumo Cali Nakruumo oo cudurka Covid 19 ugu geeriyootay isbitaalka Martiine ee magaalada Muqdisho.

2/21/2021 4:37 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan uga socdo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamulada K/galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

2/21/2021 3:36 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdira maan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaalada dalka.

2/21/2021 2:43 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii ka soo baxay dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo Dowladda Soomaaliya ee xiligan jirta ku tilmaamtay KMG.

2/21/2021 12:22 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah dalalka caalamka oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya ee xiligan kuwaa oo ay ku tilmaamtay in ay yihiin qoraalo marin habaabin ah