3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Maxkamad gobolka Banaadir oo Shirkada Favori LLC ku heshay ku tumasho xuquuq shaqaale xukunna ku riday
 

Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku heshay shirkada Favori LLC ee maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ku tumasho xuquuq shaqaale, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya.

Shirkadda Favori ayaa horraantii bishii September ee sanadkii tagay 2020 shaqada ka eriday Abshir Xasan Cabdulle oo ka mid ahaa xoogsatada shirkadda u shaqeysa ee ka hawlgalayay garoonka diyaaradaha Aden Cadde, iyadoo shaqo ka eryidiisa aan loo marin wax sharci iyo nidaam ah.

Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo baaris ku sameeyay sababta Abshir oo xoogsata ah shaqada looga eryay, ayaa waxaa u caddaatay in shaqo ka eryidiisa aan loo marin sifo sharci ah.

FESTU garyaqaano u qabtay Abshir Xasan Cabdulle ayaa  ku guuleysatay in gal dacwadeed laga furo Maxkamada Gobolka Banaadir halkaasi oo lagu qaaday kiiska dacwada, ayadoo Maxkamadu aqbashay inay qabato kiiska muwaadinka taariikhdu markii ay ahayd 14 November 2020 isagoo xilligaasi laba bilood shaqadii laga eryay banaanka ka jooga.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xilliyo kala duwan u fadhiisatay dhageysiga dacwada iyo dooda labada dhinac ee ka kala socday Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) iyo Shirkadda Favori LLC, waxaana Maxkamaddu sameysay baaritaano iyo dhageysiyo farabadan taasi oo ugu dambeyntii maanta ay ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday kiiska dacwadda Abshir Xasan Cabdulle.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in shaqo ka saaridda Abshir Xasan Cabdulle ay tahay mid sharci darro ah waxayna Maxkamaddu amartay in lagu celiyo shaqadiisii sidoo kale in la siiyo dhammaan mushaarkii ka baaqday laga soo billaabo bishii October ee sanadkii tagay 2020. 

Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee FESTU oo saxaafada la hadlayay kadib markii uu xukunka soo baxay ayaa yiri “waxaan isku daynay inaan kala hadalno shirkadda Favori LLC inay joojiso ku xadgudbidda xuquuqda shaqaalaha, ayna dhowrto sharciga dalkan u degsan ee damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha. Nasiib darro wey ka dhaga adeegeen ayagoo u heysto inay sharciga ka sareeyaan oo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ku tuman karaan isla markaana aan tilaabo sharciga waafaqsan aan laga qaadeynin”.

“Waan sii kordhineynaa dadaalkeena aan ku dooneyno inaan ku difaacno kuna soo dhicino xaqqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed. Marna ma yeeli doonno in lagu tunto xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu ku daray Cumar Faaruuq Cismaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/20/2021 2:15 PM EST
Sabti, Febraayo, 20, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa u duceeyay dadkii ku waxyeelobay mudaharadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sidookale wuxu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay iska xoreeyaan madaxwayne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

2/20/2021 1:42 PM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Waxaa caawa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho alle ha u naxariistee Xaaji Daa'uud Cilmi Cariif. Xaajiga ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19.

2/20/2021 11:54 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 48 saac ee lasoo dhaafay cudurka Covid-19 laga helay 257 qof, halka ay sidoo kale u geeriyoodeen 15 qof oo ku jiray isbitaalka Martiini.

2/20/2021 10:15 AM EST
Sabti, Febraayo, 20, 2021 (HOL)- Maalinta dhalinyarada Somaliland ee UFO, oo ah maalintii ay dhalinyaro ciyaal iskuul iyo aqoonyahan ahaa, ay dhagax kula dagalameen taangiyadii dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre 20/ Febraayo 1982, ayaa laga xusay magalada Hargaysa.

2/20/2021 8:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Shaqaale caafimaad ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari lagu dilay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhawaad 10 ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

2/20/2021 7:41 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid wanaagsan duulimaadyaduna sidii caadiga ahayd ugasoo dagayaan.

2/20/2021 4:34 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Jubbaland ayaa sheegtay in ay qiimeyn ku sameyn doonto xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ka hor ka qeybgalka shirka uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/20/2021 1:44 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayeey ku sheegeen in aysan joojin doonin dibadbaxyada ka dhanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/20/2021 12:23 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Urur gobolleedka IGAD ayaa cambaareeyay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii ay dowladdu is hortaagtay mudaaharaad ay qorsheynayeen in ay dhigaan midowga mushariixintu.