4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waa Nasiib darro in xiliggan la yiraahdo dalka dowlad kama jirto

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligaan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka.

Waxaa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay.

Ra'iisul Wasaare Rooble "Waxaa ayaan daro ah in iyadoo lagu jiro Sanadka 2021-ka uu Qof sheegto in uu qabsadey Magaalada Muqdisho uuna sheegey in aysan Dowlad ka jirin waana arin aad u foolxun" 

Waxaa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulna laga gaaray  sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]