4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Madaafiic ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Waxaa la arkayay Uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madaafiic lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah madaafiicdan ku dhaceen garoonka diyaaradaha, taasoo keentay in ay  istaagaan howlihii garoonka.

Lama oga cida madaafiicdan adeegsatay hasse ahaatee arintan ayaa imaaneysa xili magaalada Muqdisho ay ku jirto jawi degganaan la'aan ah, iyadoo ciidamada dowladdu ay isku dayayayaan joojinta dibadbaxyo ay dhigayaan musharixiinta mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa deggan xaalada Isgoyska Km4 oo saacado ka hor ciidamada dowladdu rasaas ku kala eryeen dibadbaxayaal ay horkacayeen siyaasyiin ay ka mid ahaayeen Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]