4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Kheyre oo sheegay in ay ka badbaadeen isku day dil oo la doonayay in lagu khaariyo isaga iyo siyaasiyiin kale

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr ah ay ka badbaadeen sida uu hadalka u dhiggay isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

Qoraal uu soo dhiggay bartiisa Facebook ayuu ku yiri ' Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen.

Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga”

Hadalka Kheyre ayaa imanaya kaddib markii maanta isaga iyo musharixiin kale rasaas lagu kala eryay dibadbax ay horkacayeen oo ka dhacay waddada gasha Garoonka Aadan Cadde.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]