4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Matabaan : Haweeney Ninkeeda Cuntada ugu dhex dartay Sakiimo si uu u liqo
 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi aay ka dhacday dhacdo la yaab badan oo aad looga hadal haayo Magaaladaasi.

Dhacdadan la yaab noqotay ayaa ah gabar la sheegay in Ninkeedii aay cashada ugu soo dhex qarisay sakiimo aay dooneysay inuu ku waxyeeloobo markuu cuni tago, balse uu alle ka badbaadiyay kadib markuu cuntada ku dhex arkay sakiimaha loogu dhex qariyay.

Qaar kamid ah dadka degmada Matabaan ayaa inoo xaqijjiyay dhacdadaan la xiriirta gabarta Ninkeeda cuntada ugu dhex qarisay sakiimaha.

Gabadha arrintaan sameyay ayaa magaceeda lagu soo koobay Xamdi waxaana la sheegay in gabartaani aay arrintaa u sameysay maseyr dartii, waxaana la sheegay in dhowr jeer oo hore uu seygeeda ka badbaaday isku day noocaan oo kale ah oo aay ku dooneysay iney ku qaarajiso.

Wiilka dhacdadaan la yaabka leh ka badbaaday ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Baashi Guutaale.

Dhacdada noocaan ah ayaa ah mid ku cusub guud ahaan deegaanada dalkeena Soomaaliya marka loo eego haweenka maseyrsan dhacdooyinka aay kula dhaqaaqaan ragga qaba.

Magaalooyinka Matabaan iyo Gurceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa dhowr jeer horay uga dhacay dhacdooyin kale oo aay ka mid yihiin ragg iyo dumar jecel dartiis sun u cabay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]