3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday alle ha u naxariistee fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed kuwood loogu jeclaa dhinaca Luuqda.

Waxaa uu ka mid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo Qaranka  islamarkaana lahaa heeso iyo suugaan dhaxgal ahaa oo ku jira keydka cajaladaha Radio Muqdisho.

1963-kii ayuu Fannaaka ku soo biiray guud ahaanba Fanka isaga qaaday heeso isugu jira Wadani iyo Jaceyl, heesihiisa ayaa u badnaa kuwo dadka uu ku dhiri-galin jiray shaqada iyo in aan dad kale wax laga sugin.

Laakiin Faarax Siidoow ayaa waayadii ugu danbeeyay isaga fariistay Fanka isaga noqday mu'adin Masjid ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wiilkiisa ugu weyn carruurta uu dhalay uu hadda yahay macalin Dugsi Qur'aan.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta kol hore ayuu sheegay in uu iska diiday guri laga siiyay Ex Fiyoore oo deegaan u ah inta badan fannaaniinta Soomaaliyeed, isaga oo sidaa u sameeyay in uu carruurtiisa kala fogaado fanka. 

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidoow Faarax,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]


















Click here
2/18/2021 6:27 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa goor dhowayd bartiisa Facebook kusoo qoray in ay Ciidanka dowladda weerar ku soo qaadeen hotel Maida oo ku sugan yahay isaga iyo madaxweynihii hore Sharif Shiikh Ahmed.

2/18/2021 5:22 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemayaa kacsanaan ah, iyadoo ciidamo daacad u ah musharrixiinta iyo ciidamada dowladda isku hor fadhiyaan qeybo badan oo Muqdisho katirsan, taasoo shacabka walaac xoogan ku beertay.

2/18/2021 1:08 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Amaanka guud ahaan Taalada Daljirka Dahsoon ee lagu waddo in uu Berri ah ka dhaco mudaaharaadka ay iclaamiyeen mucaaradka dowladda ayaa waxaa la wareegay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo uu horkacayo Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

2/18/2021 11:36 AM EST
Khamiis, Febraayo, 18, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Jaamac Ibrahim (Baqdaadi) ayaa sheegay in isticmaalka lacagta 50 ka dollar laga joojiyay suuqyada Somaliland, kadib markii la’ogaaday in lacag badan oo been abuur ahi soo gashay suuqyada.

2/18/2021 11:14 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa galabta kormeeray taallada Daljirka Dahsoon oo lagu waddo in maalinta Berri ah uu ka dhaco dibadbaxa ay kol hore ku baaqeen mucaaradka

2/18/2021 10:01 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi aay ka dhacday dhacdo la yaab badan oo aad looga hadal haayo Magaaladaasi.

2/18/2021 9:06 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Midowga yurub ayaa sheegay in laga fogaado ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka midowga musharrixiinta mucaaradka ka sameynayaan Muqdisho jimcaha berrito ah.

2/18/2021 6:01 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya waxay ugu digtay inay ka fogaadaan banaanbaxyo la filayo inay maalinta berrito ah ka dhacaan magaalada Muqdisho.

2/18/2021 4:43 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay shir jaraa'id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si gaar ah isku dul-taagay shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo.

2/18/2021 2:32 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah.

2/18/2021 12:50 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudllaawe ayaa si KMG xilka Wasiirka Wasaarradda Maaliyada iyo hormarinta Dhaqaalaha ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle [ Maxamed Dheere] oo horay Wasaarraddan u soo maamulay.

2/18/2021 12:37 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo la xiriira dibadbaxa maalinta Berri ah lagu waddo in ay qabtaan midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.