3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Somaliland: Wasaarada waxbarashada oo deeq waxbarasho siisay gabadh da’a yar oo tacadi lagula kacay
 

Arbaco, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- Wasaarada waxbarashada ee Somaliland ayaa maanta deeq waxbarasho siisay, Ayaan Yusuf Maxamed oo ah gabadh da’a yar oo gabadh ay qaraabo ahayeen oo ay ushaqaynaysay ka duubtay muuqaal iyada oo u hanjabaysa isla markaana ay muuqaalkii baraha bulshada ku baahisay, taasi oo sababtay in ay dadwaynuhu ka cadhoodaan.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Maxamuud Diiriye Toorno iyo sarakiil sar sare oo katirsan wasaarada ayaa, maanta xafiiska wasaarada ee Hargaysa ku qaabilay Ayaan Yusuf Maxamed oo muuqaal ay ka duubtay gabadh ay shaqaale u ahayd uu baraha bulshada qabsaday, hadaba wasaarada waxbarashada ayaa maanta u balan qaaday Ayaan in dawladu bixinayso dhamaan qarashaad keeda waxbarasho.

“Ayaan sababta aynu u qaabilay waxa weeyi, in waxbarshadeeda ay wasaradu damanad qaado, ilaa markay bilawdo ilaa markay dhamayso, Meesha ay iyadu ka gaadho, barigii dhawayto ee aynu warbaahinta ka daawanay, waxyaabihi ayla kulantay oo laga yaabo in ay cidkalena ku dhacaan, inagoo caruurta Somaliland oo dhan masuul ka ah, hadana dee kuwa uu dhib lasoo darso ama ha yaraado ama ha waynadee, dee damqashadeeda ayaynu leenahay” ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Wasiirka ayaa sidookale faray dhamaan shacabka Somaliland, in lala dagaalamo tacadiyada ka dhan ka ah caruurta.

“Dhamaan reer Somaliland waxanu ka rajaynaynaa, in aynu la dagaalano, oo aynu joojino cidkasta oo tacadi ku samaynaysa caruurta, iyo qofkasta oo jilicsan. Ayaan na waxa aynu ka rajaynayaa in marka ay waynaato ee ay waxbarashada dhamayso ay ka shaqayso sidii ay ugu gargaari lahayd caruurta aan fursad u helin waxbarashada  ama dadka dhiban”. Ayuu hadal kiisa ku daray wasiirka waxbarashadu.

Intaa kadib na gabadha yar waalid keeda ayaa dowladda uga mahad celiyay deeqda waxbarasho ee ay u fidisay Ayaan.

“Sided wada aragteen Ayaan gabadh qoyskeeda ah ayay dhibaato kasoo gaadhay, maanta waxanu joognaa wasaarada waxbarashada, wasiirku wuxu balan qaaday in waxbarasho bilaasha uusiin doono, is garabtaaga ay wasaradu is garabtaagtay, iyadoo markii horena ay dawladu is garabtaagtay oo baanka shaqo laga siiyay, aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa wasiirka waxbarshada, Maxamed Diiriye.” Shaafici Ciise oo ah Ayaan abtigeed ayaa sidaa yidhi.

Dowlada ayaa Ayaan shaqo ka siisay baanka dhexe ee Somaliland xaruntiisa magaalada Hargaysa, maalmo kadib markii ay tacadiga la kulantay, iyadoo gabadhii tacadiga kula kacday oo lagu magacaabo Samsam Kaahin na xabsiga loo taxaabay iyadoo waajahaysa eedaymo la xidhiidha ku tacadi xuquuq caruureed.

Siday Ayaan dhibaatadu kusoo gaadhay?

Wakhtigu waa horaantii bishii Jenaayo ee sanadkan 2021 ka, Ayaan waxa ay ka shaqaynaysay guriga Samsam Kaahin oo ay qaraabo ahaayeen, kadibna Samsam ayaa jikada (madbakha) ugu soo galaysa Ayaan oo weel maydhaysa (dhaqaysa), kadibna intay kamarada telefoon keeda furto ayay ku odhanaysaa “naa yaa ku soo diray?. Yaa ku yidhi soo sumee? Maxad cuntada sunta iigu dartay?. Iyado waliba u hanjabaysa Ayaan yar na waxay markastaba ku cel celinaysay in aanay wax dambi ah gali, iskuna dayin in ay sumayso.

Muuqaal kaasi oo ay Samsam markii danbe  baraha bulshada ku baahisay, ayaa keenay cadho iyo fal celin balaadhan oo ay ka sameeyeen shacabku.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
2/17/2021 4:27 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaya talooyinkii ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo, ayaa shir iskugu yeeray Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

2/17/2021 1:13 PM EST
Arbaco, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID ayaa madaxwayana Somaliland ku eedeeyay in uu faragalin ku hayo, hab sami u socodka doorashada, isagoona ugu baaqay in uu soo daayo, musharixiin ay dawladu ka xidhay xisbigiisa.

2/17/2021 10:41 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

2/17/2021 10:12 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay wadajir magaalada Muqdisho uga qateen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ayeey uga diggeen Shacabka Soomaaliyeed isku soo baxyada iyo isku -imaantinka dadweyne sababo la xiriira saameynta adag uu dalka ku yeeshay cudurka Covid 19.

2/17/2021 7:39 AM EST
Arbaca, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- Pro: Ismaaciil Hurre Buubaa oo katirsan xisbiga mucaarad ka Somaliland ee Wadani, ayaa midawga musharixiinta ee Soomaaliya usoo jeediyay, in ay wadanka fawdada ka daayaan, waa sida uu hadalkiisa u dhigaye, isagoona sheegay in anay suuragal ahayn in Farmaajo xilka laga qaado iyadoo aan madaxwaynihi badali lahaa la dooran.

2/17/2021 7:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Pan-African oo ah koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha qowmiyadaha Afrika, ayaa warqad ay u qoreen Xoghayaha Guud, ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxay kaga dalbadeen in dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya dib loogu dhigo.

2/17/2021 5:31 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL)-Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare] oo ahaa sawir qaade iyo muuqaal duube siweyn looga garanayay magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in koox hubeysan ku dhax dileen gudaha Studio uu ku lahaa degmada Howl-wadaag.

2/17/2021 2:48 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Aasiya Cali Aadan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku dhalatay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay dhibaatada ay kala kulantay safarka halista badan ee tahriibka, kadib markii Soomaaliya uga carartay xaalad nabad-gelyo xumo darteed.

2/17/2021 2:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa beeniyay in wax heshiis ah laga gaaray hannaanka loo marayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

2/17/2021 1:52 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda Covid-19.

2/17/2021 1:24 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - War saxaafadeed ay soo saareen Gudida Doorashooyinka dalka Itoobiya ayay kaga hadleen xaaladda uu ku sugan yahay Ururka ONLF.

2/17/2021 12:23 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Waxaa habeennimadii xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariisteen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed muddo dheerna ka soo shaqeynayay dacwadda Islaamka.

2/17/2021 12:10 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ku soo dhamaaday shir saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay halkaa ku lahaa ku lahaayeen Guddi farsamo oo ka kala socday DF Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.