4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha Africa oo Qaramada Midoobay ka codsatay in dib loo dhigo dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya
 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Pan-African oo ah koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha qowmiyadaha Afrika, ayaa warqad ay u qoreen Xoghayaha Guud, ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxay kaga dalbadeen in dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya dib loogu dhigo.

Guddoomiyaha kooxdan, David Matsanga ayaa sheegay in sii wadista dacwadda ee khilaafka ICJ ay sababi karto xiisado hor leh iyo isku dhacyo cusub oo ka dhaca gobolka oo horayba aan u degganayn sababo la xiriira cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee cakiran ee labada dal.

“Mudane Xoghayaha guud waxaan aaminsanahay in xukun kasta oo ka soo baxa ICJ uu dhalin doono dagaal aad u xun oo ka dhaca aag ay wali colaada Soomaaliya ka taagan tahay,” ayuu Matsanga ku yiri warqadiisa uu u diray madaxa UN-ka.

Warqadda ayaa daba socota go’aan ay qaadatay maxkamadda ICJ oo ay ku diiday dalabkii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo markii afaraad.

Diiwaanhayaha maxkamada Philippe Gautier ayaa sabtidii ku wargaliyay Kenya iyo Soomaaliya labadaba in dacwadu ay u socon doonto sidii loogu talagay laga bilaabo 15-kii Maarso ee sannadkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]