4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare oo lagu doortay Magaalada Baydhabo


Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagaboobay doorashada Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Samsam Ibraahin Cali ayaa noqtay Senatarkii ugu horeeyay ee lagu doortay maanta magaalada Baydhabo, islamarkaana ku guuleysatay  81 cod halka Shariifo Xaaji Cismaan oo la tartantay ay heshay 4 cod, waxaana halaabay 7 cod.

Kursiga labaad ee kuraastii maanta lagu tartamay Baydhabo waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan waxaana kusoo baxay kursigaas Ayaan Aadan Cabdullaahi oo heshay 79 cod, iyadoo Farxiya Nuur Aadan ay heshay 8 cod, Shan kamid ah codadka ayaa halaabay.

Kursiga sadaxaad ee Xildhibaanada Aqalaka sare ee Koofur Galbeed deegaan doorashadooda tahay waxaa kuwada tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka soomaaliya iyo Maxamed Xasan Aadan waxaana ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo helay 80 cod, iyadoo Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 cod waxaana la sheegay iney halaabeen 6 cod.

Kursiga afaraad ee qalka Sare ee BFS waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur Garabey iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamuud Maxamed Cabdinuur Garabeey oo helay 76 cod, halka Nuur Baabul Cadow uu isna helay 9 cod, waxaana halaabay 5 cod.

Kursiga Shanaad oo ahaa kursigii ugu dambeeyay ee doorashadii Maanta ka dhacday magaalada Baydhabo waxaa kuwada tartamay musharaxiinta kala ahaa Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxaana kursiga Xildhibaanimo ku guuleystay Xuseen Maxamed Daahir oo helay 71 cod, iyadoo Xasan Maxamed Nuur uu helay 7 Cod, waxaana halaabay 10 cod.

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa kusoo gabagaboowday jawi wanaagsan waxayna noqoneysa tii labaad oo ka hirgasha deegaanada maamul goboleedyada dalka, waxaana maamulkii ugu horeeyay ee doorashada qabta noqday maamulka Jubbaland oo kismaayo ku doortay 4 ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee BFS, taasoo tirada guud ee Senatarada la doortay ka dhigeysa 9 Xildhibaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]