12/5/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Maamulka gobolka Hiiraan iyo Taliska Militariga gobolka oo si kulul u eedeeyay AMISOM
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa si wadajir ah dhaliilo adag ugu jeediyay ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan aay si cad uga diideen iney kala qeyb qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

"Waxaan leeyahay shaqada ciidamada AMISOM dib haloo eego sababto ah ma qabtaan shaqadooda, waxay aheyd iney la dagaalaman Al-shabaab, aniga waxan ahay guddomiyahii gobolka waxan xaq ulaha iney i ilaaliyaan, anagoo dagaal u baxnayna way naga hareen sadax bilood ayaan ku qalqalineynay iney nala galaan howlgalada Shabaab aan kula dagaalameyno aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo aan waliba ugu tagnay xarumahooda wayna naga diideen" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Taliyaha ciidanka Militariga gobolka Hiiraan ee guutada 5-aad qeybta 27-aad Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sidoo kale dhankiisa ku eedeeyay in ciidamada AMISOM aysan wax  shaqo ah ka qaban gobolka Hiiraan afartii sano ee lasoo dhaafay.

"Taangiga ciidanka AMISOM afar sano ka hor meeshii la dhigay ayuu wali ku baakiman yahay wax shaqo ah oo lagu qabtay majirto mudada uu dalka madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maba u maleysid iney yihiin ciidan nabad ilaalin u joogo dalka" ayuu yiri Taliye Baakaay.

Eedeyntan kulul ee kasoo yeertay maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska ciidanka ayaa imaaneysa xili mudo todobaad ah ciidamo uu hoggaaminayay guddoomiye Cali Jeyte ay howgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wadeen inta u dhaxeeysay magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas, kuwaas oo dib ugu soo laabtay Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/2/2021 4:56 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa beeniyay in uu ku baaqay mudaharaad maalinta bari ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, saxafiyiinta qaarkoodna qoreen.

8/2/2021 1:17 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, oo u jawabaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo la sheegay in uu shacabka Hargaysa ugu baaqay in ay bari isku soo baxaan, ayaa uga digay in uu nabad galyo daro abuuro.

8/2/2021 12:54 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa ku guul daraystay in ay saxdo imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada siddeedaad ee dugsiyada dhexe Puntland, xilli maalinta berrito ah ay dib u furmayaan guud ahaan dugsiyada Puntland.

8/2/2021 11:53 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagaboobay doorashada Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

8/2/2021 11:49 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Xildhihaan Cabdikariin Meecaad oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Sanaag oo horey uga tirsana isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku biiray isbahaysiga kasoo hor jeeda ee xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

8/2/2021 11:39 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa go'aano kasoo saartay sicir bararka maalmahan ka jiray degaanka, sidaan lawada soconay maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa degaanka Soomaalida ka jiray sicir bar dhanka maciishada ah, taas oo shay walba uu gaadhay qiimo aysan cidna u dhawaan karin.

8/2/2021 7:54 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in aan dhibaato laga dhex abuurin, xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ee cusub iyo musharixiinta u taagan doorashada shirgudoonka.

8/2/2021 7:35 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Ayaan Adan Cabdullaahi ayaa noqotay haweenaydii Labaad ee kusoo baxda doorashada xildhibaanada aqalka sare ee koonfur galbeed ku matalaya barlamaanka labaad ee aqalka sare.

8/2/2021 6:05 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah ay uga bilaawday magaalada Baydhabo doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed.

8/2/2021 1:31 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.