4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Puntland oo $7.4 Milyan oo dollar ku bixinaysa dayactirka waddooyinka burburay
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday heshiiska dayactirka waddooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Puntland.

Sida heshiiska ku cad, wadooyinka la dayactirayo dhaqaalahan ayaa waxay kala yihiin: Juurile iyo Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, Garoowe iyo Birta dheer iyo Garoowe-Falaryaale.

Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay dhaqaalahan lagu bixinayo dayactirka waddooyinka, in uu ka yimid lacagaha canshuuraha iibka ee laga qaado ganacsatada.

Wasiirka maaliyadda wuxuu sheegay in bishiiba maamulkooda canshuurahaas uu ka helo lacag ku dhow $600,000. lacagtaas oo uu tilmaamay markii dhowr bilood la aruriyo in lagu bixiyo horumarinta iyo wax ka qabashada xaaladdaha taagan.

“Haddii la bixiyo canshuurta dowladda, waxaan ballanqaadaynaa in aanu waxyaabaha muhiimka u ah dalka ku qabandoonno,” ayuu yiri wasiir Xasan Shire Abgaal.”

Heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, xilli uu maanta madaxweynaha Puntland xarriga ka jaray bangiga dhexe ee Puntland oo hab casri ah loo dhisay, kaasoo madaxweynuhu sheegay in lagu dhisay dhaqaale Puntland ka yimid oo ay bulshada kaalin ku leedahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online