3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeymo lagu garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen aagga Qeycad

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed maanta oo Axad ah kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ay habeenimadii xalay weerar cirka ah la beegsadeen Al-Shabab meel u dhow magaalada Wasil ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Tani waa dharbaaxo kale oo weyn oo soo food saartay Al-Shabaab. Duqeynta ayaa burburisay goob weyn oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada Danab iyo kuwa XDS ku soo dhowaadeen. Hawlgalladan ayaa xaddidaya awoodda Al-Shabaab ee ah inay dilaan oo ay argagaxiyaan dadka Soomaaliyeed."

Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si joogto ah u fuliya duqeymaha cirka si ay u taageeraan howlgallada ciidamada dowladda ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Waa markii 3aad oo diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gobolka Mudug 15 maalmood gudahood.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in ay iska caabisay weerarka lagusoo qaaday, waxayna xaqiijisay in lasoo beegsaday saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanka Qeycad oo ku dhow degmada Wisil.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online














Click here
8/1/2021 1:30 PM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday heshiiska dayactirka waddooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Puntland.

8/1/2021 8:34 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Digreeto uu ku saxeexanyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu sheegay in kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay uu qabsoomi doono 3 bishan Agoosto.

8/1/2021 8:07 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo dhaweeyay Musharaxa Abdisamad Yusuf Fardaale (AJ) oo u cararay Duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

8/1/2021 7:32 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Somaliland Xasan Maxammed Cali (Gaafaadhi), oo u jawabayay boqor Buurmadow, ayaa boqorka ku sifeeyay shakhsi dhib badan, oo danayste ah, isla markaana si uu u gaadho u jeedooyinkiisa xataa u dagaalami kara.

8/1/2021 7:19 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

8/1/2021 6:33 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyay in hay’adda dambi baarista Soomaaliya ee CID, ay warqadda dambi la’aanta u diiday siyaasiyiin u sharraxan kuraasta barlamaanka.

8/1/2021 4:39 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa dagaal iyo duqayn ka wada deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug, halkaas oo farriisimo culus ay ku leeyihiin Alshabaab.

8/1/2021 1:01 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay soo gudbinta iyo shaacinta jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

8/1/2021 12:55 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay si rasmi ah uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartamaya Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed.