4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Gabadh ganacsato ah oo cabasho ka muujisay laydhka magaalada Berbera
 

Khamiis, April, 8, 2021 (HOL) - Layla Maxamed Xirsi oo ah gabadh ganacsato ah, oo ku nool magaalada Berber, ayaa cabasho ka muujisay shirkada laydhka, iyado madaxweynaha ka codsatay in uu u ogolaado in ay shirkad laydh keento Berbera.

Layla ayaa sheegtay in ay lacagdhan 200 oo kun oo dollar ku wayday kadib markii uu laydhku gubay dhisme fooq ah oo ay ku leedahay magaalada.

“Qasaare aad u laxaadle ayaa fooqan ku dhacay, lacag 200 oo kun ah ayaa ku gubatay, laydhka ayaana gubay, waxanan ka cabanayaa qolada laydhka iyo xukuumada Berbera” ayay tidhi Layla.

Waxa kale oo ay sheegtay in wixi ka danbeeyay markii uu dhismaheedu gubtay uu maamulka Berbera diiday in laydh danbe lasiiyo, madama oo ay dacwad ka gudbisay shirkada laydhka ee Berbera.

“Cimaarada intaa leegi waa bilaa laydh, waxay yidhaahdeen madama oo aad na dacwaysay, wax laydh ah ma helaysid” ayay tidhi Layla.

Layla ayaa ka cabatay tacadi ay sheegtay in ay ku hayso dowlada hoose ee Berbara, waxayna madaxweynaha Somaliland ka codsatay in uu u ogolaado in ay shirkad laydh keento magaalada Berbera.

“qofkii yidhaahda meel baan dhisayaa waa laga dumiyaa, kii yidhaahda meel baan qurxinaya cagaf baa la galiyaa, kii yidhaahda meel baan hagaajinaya laydhka ayaa laga jaraa” ayay tidhi Layla.

“shaqaalihiina waan haystaa dhulkiina waan haysta  madaxweyne ogolaansho kaliya ayaan kaa doonaya, si aan u keeno warshad laydh oo madax-banaan” ayay hadalkeeda sii raacisay Layla.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]