3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Madaxweyne Deni : Xalku wuxuu ku jiraa in la helo cid Madaxweyne Farmaajo la talisa oo uu wax ka maqlayo
 

Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku baaqay in madaxweyne Farmaajo lala taliyo, si uusan dalka gacantiisa ugu burburin, wuxuuna dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin wax kaste oo xal lagu heli karo.

Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay VOA, wuxuu sheegay in aysan jirin wax shaqiyadooda ku xiran oo ay ka tanaasulayaan, balse ay doonayaan in dalka lagu hoggaamiyo wado sax ah oo horseedaysa in la aado doorasho ku dhisan sharuucda dalka u yaala.

“Waxa maanta loo baahan yahay cid madaxweyne Farmaajo la hadasha oo uu wax ka maqlayo, anaga waan qaadanaynaa in naloo sheego wixii aan ku qaldanahay" ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni waxa uu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu diiday in laga hadlo wixii ka dambeeyay siddeedii febraayo, in laga hadlo amniga dalka iyo sida ay dowladdiisu u maamulayso doorashada.

"Haddii uu madaxweynuhu doonayo in aan laga hadli karin waxyaabihii  dhacay 8da febraayo kadib, oo aan amniga dalka waxba laga weydiin karin islamarkaana uu doonayo inuu isagu doorashada sida uu doono u maamusho, hadda waayahaye maxaan kaloo hadalnaa oo meesha yaala," ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ugu dambayn, madaxweynaha Deni wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan madaxweyne Farmaajo oo ay kala hadlaan masaalixda dalka iyo doorasho sharci ku dhisan in la aado. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/8/2021 3:04 PM EST
Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hoggaamiyaasha Soomaaliya in Dib loo billaabo wadahadallada burburay ee gogol-xaadhka u ahaa kullamada lagu dhammeystirayo arrimaha doorashooyinka Dalka.

4/8/2021 1:51 PM EST
Khamiis, April, 8, 2021 (HOL) - Layla Maxamed Xirsi oo ah gabadh ganacsato ah, oo ku nool magaalada Berber, ayaa cabasho ka muujisay shirkada laydhka, iyado madaxweynaha ka codsatay in uu u ogolaado in ay shirkad laydh keento Berbera.

4/8/2021 11:19 AM EST
Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Waxaa Gudaha Cisbitaalka HCMC qabta Gargaarka Dagdaga ah isagu yimi Madaxda Cisbitaalka ,Dhaqaatiirta & Qaar ka mida Culumadda Minnesota , waxayna maanta daahfurayaan mashruuc qololka Cisbitaalka loogu dhajinayo waraaqo tilmaamayo dhanka qibladda salaada, waana markii ugu horeeysay ee cisbitaal ku yaal gobolka Minnesota & Maraykanka guudba uu sidaa sameeyey.

4/8/2021 10:56 AM EST
Khamiis, April, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarada shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Maxamuud Cali, ayaa beeniyay sheegashada wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ee ah in ay maamulan badiba gobolada Sool iyo Sanaag.

4/8/2021 9:10 AM EST
Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa caddaalad darro ku tilmaamay in laga laabato go’aankii Puntland looga joojiyay in lasiiyo shahaadada dugsiyada sare iyagoo aan ka qeyb galin imtixaanka dowladda federalka.

4/8/2021 4:11 AM EST
Khamiis, April, 08, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada gobolka Baay ayaa sheegaya in dulleedka magalada Baydhabo laga helay meydka labo carruur ah oo la sheegay in maalitii shalay la waayay.

4/8/2021 1:34 AM EST
Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay war ku saabsan in uu fashilmay shirkii Afisiyooni maalmihii ugu danbeeyay uga socday madaxda Soomaalida, iyaga oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu isagu leeyahay mas'uuliyada fashilka shirka.

4/8/2021 1:13 AM EST
Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen subaxnimadii hore ee saakay barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.