4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Al-shabaab oo saakay weerar ka geystay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) -  Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen subaxnimadii hore ee saakay barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weeraray Barkoontarool oo taalay deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay waxaana ay goob joogayaal sheegeen in weerarkaasi ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Iska horimaad culus oo labada dhinac dhaxmaray kaddib ayaa lagu waramayaa in saacado kooban Al-shabaab la wareegeen Koontaroolka weerarku ka dhacay, inkastoo markii danbe ay isaga baxeen.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]