3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Puntland oo mar kale soo saartay go'aan lagu xakamaynayo lacaga dollarka ee taleefoonada la iskugu diro
 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Guddiga Puntland u xilsaaray wax ka qabashada qiimo beelka ku dhacay lacagta Shilin Soomaaliga ayaa soo saaray go’aan ku saabsan in aan la isku diri karin wax ka yar hal dollar lacagaha dabeysan ee mobaylada.

Guddigu waxay taas bedelkeed shirkaddaha bixiya adeeggaan ku amreen in ay sameeyaan lacago shilin Soomaali danabaysan oo dadweynaha u suurto galinaya in ay kaga maarmaan sintiyadii dollarka ahaa ee la isku diro.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire oo saxaafadda kula hadlayay Garowe, ayaa sheegay, caqabado soo laabtay in ay ku kalifeen in mar kale guddigu soo celiyo go’aankii lagu joojiyay isku dirka wax ka yar hal dollar.

Faarax wuxuu sheegay caqabadaha soo laabtay in ay kamid yihiin, in waalidiintii ay waayeen wax ay siiyaan carruurtooda dugsiyada wax uga barta, kuwaas oo awal hore jeebka u galin jiray lacago shilin Soomaali ah si ay wax ugu cunaan xilliga bareega.

Balse, markii shilin Soomaaligu uu istaagay ayaa la dareemay culayskaan.

Awaamiirta guddiga kasoo baxay, ayaa wax saamayn ku yeelandoonin Koonfurta Mudug, Sool iyo Sanaag, si loo ilaaliyo tartanka shirkaddaha isgaarsiinta ee bixiya addeegaan.

Inkastoo shirkadduhu sameeyeen shilin Soomaali danabaysan, haddana ma suurto galin in dadweynuhu isticmaalaan, iyadoo loo sababeynayo bulshada oo aan fahan buuxda ka haysan iyo walaac laga qabay aaminaada adeeggan.

Lama oga in shirkaddaha isgaarsiintu fulindoonaan awaamiirtan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/5/2021 5:42 PM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dacwaddii loo haystay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasoo dhowaan heshiis nabadeed la galay dowladda.

4/5/2021 12:34 PM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa baahisay sawiro argagax badan oo soo bandhigaya weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda ee ku yaala tuulada Bariire ee gobolka Shabeeladda hoose.

4/5/2021 12:31 PM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada millateriga Somaliland, ayaa lagu soo dhaweeyay 4 sarkaal oo sheegay in ay kasoo goosteen ciidamada Danab iyo Gorgor ee Soomaaliya.

4/5/2021 11:13 AM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaalada ee dalka Zambia Gavin Lubin iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

4/5/2021 8:23 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay wadahadallada hor dhaca ah ee u bilaawday madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ku wada sugan magaalada Muqdisho.

4/5/2021 4:48 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay colaadin joogto ay ku haysay tan iyo sanadkii 2018, goortaas oo uu bilaabay inuu dhaliilo siyaasada dowladda.

4/5/2021 4:36 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) -Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

4/5/2021 1:22 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Wiilkan Soomaaliga ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi 21 sano jir ahaa ayaa lagu waramayaa in rasaas lagu furay isaga iyo Nin kale oo ay wada socdeen oo marayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett magaalada Toronto ee dalka canada , iyagoo watay gaari, galabnmadii Sabtida,