4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Hargaysa: Siyaasi Cali Waran Cadde oo ka warbixiyay libaaxyo ka baxsaday beertiisa
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Siiyaasi Cali Waran Cadde, oo isagu leh libaaxyada xalay ku dhex baxsaday Hargaysa, ayaa sheegay in la qabtay midkamida labadii libaax ee baxsaday halka ka kalena wali uu baxsad yahay.

Waran Cadde ayaa sheegay in libaaxa baxsad ka ah oo xalay fiid kii haweenay Itoobiyaan ah dhawac xun ugu gaystay xaafada New Hargaysa uu dhawac yahay.

“Roob baa da’ayay, libaaxuna markuu roobku da’ayo wuxu jecelyahay in uu ciyaaro, markaa inankii hilibka siinayay ayaa u galay, kadibna labadii ugu horeeyay ee uu u galo ayaa soo jiidhay”.

“Inan aan dhalay iyo mid kale ayaa joogay, kadibna midna way qabteen kii kalena iyagoo eryanaya ayuu gabadh qabtay kadibna inan kaygii ayaa laba xabadood ku dhuftay oo ka gooyay. Ayuu yidhi Waran Cadde.

Waran Cadde ayaa sheegay in kadib markii libaaxu uu gabadha dhaawacay uu galay meel kayna oo ku dhaw isla markaana ay ciidamada amaanku baadhitaan ku hayan.

Libaaxa oo xalay fiidkii ka baxsaday xeradiisa, ayaa dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa ku qasbay in ay fiid guryahooda u kala badiyaan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan online
[email protected]