4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
UK: 7 qof oo u geeriyooday ka dib markii ay qaateen tallaalka AstraZeneca
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Boqortooyada UK, 7 qof ayaa geeriyoodeen ka dib markii ay qaateen tallaalka Oxford-AstraZeneca, halka 30 qof oo kale ay ka sii dartay xaaladdooda ka dib markii ay tallaalka ku qaateen Ingiriiska.

Sarkaal caafimaad ayaa sheegay in tallaalka kadib, qof walba uu bilaabay inuu ka cabto dhiig xinjirow.

Bishii Maarso ee bishii hore, qaar ka mid ah waddamada Yurub ayaa mamnuucay isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca. Dadku waxay ka baqayeen isticmaalka tallaalkan inuu sababi doono xinjirowga dhiigga.

Si kastaba ha noqotee, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in aysan jirin wax macno ah oo mamnuucaya tallaalka.

Afhayeenka WHO Margaret Harris ayaa tiri, Waa inaan sii wadnaa isticmaalka tallaalka AstraZeneca. Ma jirto sabab aan loo isticmaalin.

Wakaaladda Daawada Yurub (EMA) ayaa mar kale sheegtay Arbacadii inay rumeysan tahay in tallaalku badbaado yahay isla markaana khubaradu aysan helin sababo gaar ah oo qatar ah sida da'da, jinsiga ama taariikhda caafimaadka.

Nederland ayaa jimcihii joojisay tallaalka AstraZeneca ee loogu tala galay dadka da'doodu kayar tahay 60 sano kadib markii shan kiis oo ugub ah ay ku dhaceen dumarka, oo mid kamid ah ay dhimatay.

Sida lagu sheegay warbixinnada warbaahinta, illaa hadda in ka badan 120 milyan oo xaaladood oo infekshinka coronavirus ah ayaa laga diiwaan galiyay adduunka oo dhan. Isla mar ahaantaana, waxaa u geeriyooday in ka badan labo milyan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online