4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Fahad Yaasiin oo xilka NISA ku wareejiyay taliyaha cusub ee uu soo magacaabay madaxweyne Farmaajo
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee NISA, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey).

Warkaan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo lagu faafiyay barta twitterka NISA, saacaddo kadib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegtada lagu magacaabay saraakiisha ciidanka qeybtood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay goor dambe Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey), oo ahaa taliyihii nabad sugida gobolka Banaadir u magacaabay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA.

Dad badan ayaa u arka tallaabada madaxweynuhu uu qaaday mid looga hortagayo in taliyaha NISA ee uu magacaabay raysal wasaare Rooble sareeyo guud, Bashiir goobe uu xilka la wareego.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu walaacsan yahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online