4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Wasiirka cusub ee diinta iyo awqaafta Somaliland oo warbaahinta eedo u jeediyay
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Sh. Cabdirisaaq Sh. Xuseen (Albani) oo madaxweynaha Somaliland uu u magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa warbaahinta ku eedeeyay in ay caayaan madaxda xilalka haysa, oo ay gar iyo gardaraba eedeeyaan.

"Baryahan danbe warbaahintu waxay caadaysteen in ay dadka xilka haya cayda u miisaan, mid xaq loogu leeyahay iyo mid aan loogu lahaynba, dhaqankaasi dhaqan aynu lahaan jirnay oo aynu ab iyo isir u lahayn horta maaha, dhaqan diineedna maaha" ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa saxafiyiinta uga digay in ay ka hor yimaadaan, madaxda, aflagaadeeyaan ama wax ka sheegaan, isagoo tilmaamay in arrinka ay ku mutaysan karaan ciqaab aakhiro.

"Nabigu wuxuu yidhi SCW ninka ninka madaxda u ah wuxu dhibsanayo ku arka ha u samro, hadii qofku uu taako inleeg hogaamiyaha muslinka ah xukunkiisa ka hoos baxo, oo uu sidaa ku dhinto wuxuu u dhimanayaa sidii ay u dhiman jireen dadkii wakhtigii jaahiliyada" ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Albani ayaa dhawaan la wareegi doona xilka wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta ee dhawaan uu u magacaabay madaxweyne Biixi.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]