4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Fahad Yaasiin : Waxaan u baahannahay Golaha Amniga Qaranka inan warbixin ka hor jeedino
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka soo jawaabay soo jeedintii Ra’iisul wasaaraha ee la xiriirtay in Hay’adda ay warbixin faahfaahsan ka keento dilka sarkaalka ka tirsaneyd hay’adda,Ikran Tahliil.

Qoraal lagu socod siiyay Ra’iisul wasaaraha oo la ogeysiiyay Wasiirka amniga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa agaasimaha NISA wuxuu ku codsaday in warbixinta laga sugayo uu ku soo bandhigo kulan guddiga amniga qaranku yeesho.

Warkan ayaa lagu yiri “ Hay’adda NISA waxay Madaxweynaha u dirtay codsi maaddama u yahay Guddoomiyaha golaha amniga qaranka si aan warbixinta ugu soo bandhigno golaha amniga qaranka oo wada dhan.”

Hay’adda NISA marka ay baahisay dilka Ikran Tahliil ahayd sarkaalka ka tirsan Hay’adda , waxaa markiiba walaac laga muujiyay warbixinta Hay’adda taa oo dhalisay in Ra’iisul wasaaraha uu dalbado warbixin faahfaahsan.


Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]