4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka oo doortay guddoomiye cusub
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa maanta doortay guddoomiyaha cusub ee guddigaas, kadib doorasho ka dhacay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Fadhiga doorashada maanta ka dhacday Afisyooni waxaa soo xaadiray ilaa 18 xubnood, waxayna guddoomiyaha cusub u doorteen Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay dhamaan 18-kii cod.

Doorashada guddoomiyaha maanta la doortay ayaa imaaneysa kadib markii uu dhawaan magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyahii guddigan Xilinta Khilaafaadka doorashooyinka Cabdullaahi Abyan Nuur.

Guddigan Xalinta Khilaafaadka ayaa shaqadoodu tahay Xalinta Khilaafyada ka dhasha howlaha doorashooyinka dalka, iyagoona horay goobjoogayaal uga soo noqday doorashooyinkii Aqalka sare oo ay qabteen maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Hirshabeelle oo aanan wali qaban wax doorasho ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]