4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Wafdi ka socda Guddiga Doorashada Heer Fedaraal oo gaaray Magaalada Jowhar
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wafdigan oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga guddoomiye Mowliid Mataan ee guddiga doorashada heer Fedaraal ka socda ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle.

Guddiga labada dhinac ee heer Fedaraal iyo heer dowlad  goboleed ayaa ka wada hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacda si cadaalad ah oo xor iyo xalaal ah.

Xoghayaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Maxamed Xuseen Xeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Maalmaha soo socda la qabna doono doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamul goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedada guddiga doorashada heer Fedaraal ee maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa ah sidii ay u dardar gelin lahayeen arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle oo aanan wali ku dhawaaqin liiska xubnaha Musharaxiinta ee ku wada tartami doona kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle, waxuuna noqonaya maamulka Hirshabeelle maamulkii ugu dambeeyay ee qabta doorashada kuraasta aqalka sare oo ay horay maamulada qaar usoo qabteen kuraasta qaar halka kuwa qaarna ay dhameystireen doorashadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]