4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Somaliland: Gabadh youtuber ah oo sheegtay in 2 sano lagu xukumay
 
Amiira oo abwaan Qanciye gabayga ka duubaysa

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Amiira Shirre oo ah gabadh youtuber ah oo ku nool magaalada Burco, ayaa sheegtay in maxkamadi ku xukuntay 2 sano oo xadhig ah iyo caddad lacageed oo ganaax ah, kadib markii ay muuqaal ka duubtay nin abwaan ah oo gabay ku dhaliilay madaxweynaha Somaliland, isla markaana, abwaankiina sanad iyo dheeraad lagu xukumay.

"Aniga maanta sida la'iiso sheegay xukunkaygu 2 sano iyo intaasoo lacag ah ayuu noqday, waxa laygu xukumay horta ha la ii sheego, anuu waxan ahay dadkii u codeeyay madaxweynaha, ee u halgamay ee habeen iyo maali usoo jeeday, maantana waxa layskaga kay xukumayaa Af-soomaali, waxan codsanayaa in arrinkayga lagu noqdo, aniga iyo abwaanka 4 cisho ayaa midna sanad midna laba sano noo dbiibteen" ayay tidhi Amiira.

"Anigu muwaadinad reer Somaliland ah baan ahay, gabay qof madax ah lagu dhaliilayo uun baan duubay, wax maanta lanagu xukumo oo lanagu xag xagto maanaan samaynin, anigu muwaadinad baan ahay waddan kayga wali dhana u maan dhaafin maxaad igu xukumaysaan ee aad iga eryanaysaan" ayay hadalkeeda ku dartay Amiira iyadoo ilmaynaysa.

Amiira ayaa sheegatay in ay tahay gabadh dhalinyaro ah, oo anay iska xajinayn xukunka ay sheegtay in lagu riday, isla markaana, uu ficilka lagula kacay yahay xoriyada hadalka, oo meel lagaga dhacay.

"Anigu gabadh baan ahay  xukun iskama xajinayo, dhaliil kaliya ayaan soo jeedinay aniga iyo inankaa abwaan ka ah, waxanu nahay dhalinyaradii gobolka marka nala cabudhiyo maxaa berri ka maalin na lagu samayn karaa" ayay tidhi Amiira iyadoo ooyaysa.

Amiira ayaa muuqaalka cabashadeeda kasuu duubtay gudaha guri anay sheegin meesha uu yahay. Abwaanka ay muuqaalka ka duubtay oo ku magac dheer abwaan Qanciye ayaa la sheegay in 4 maalmood ka hor xabsiga loo taxaabay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]