4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Doorashada lix ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi oo maanta ka dhaceysa Muqdisho
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada lix ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi.

Guddiga doorashada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ayaa soo bandhigay magacyada Musharaxiinta maanta ku tartameysa lixda ee ka midka ah 11-ka kursi ee kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi Somaliland.

Qaar ka mid ah lixda kursi ee maanta doorashadoodu dhaceyso ayaa xalay si weyn looga dareemayay ololahooda doorashada maanta ay galayaan.

Hoos ka akhriso magacyada Musharaxiinta maanta ku tartameysa lixda kursi.

Kursiga koowaad waxaa kuwada tartami doono Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo ah guddoomiyahii Aqalka sare iyo Siciid Cumar Xuseen.

Kursiga labaadna waxaa ku tartami doono Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka Dastuurka XFS iyo guddoomiyahii hore ee maxkamada sare Ibraahin lidle Saleebaan, waxuuna ka mid yahay kuraasta ugu adag ee lagu tartami doono maanta.

Kursiga sadaxaad waxaa ku tartamaya sadax musharax oo kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar, Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Kuraiga afaraad waxaa ku wada tartami doono wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abokor Dubbe iyo Cabdikariim Maxamed Xasan.

Kuraiga shanaad waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala Layla Axmed Ismaaciil iyo Maxamed Maxamuud Cabdi.

Kursiga lixaadna waxaa ku wada tartamaya musharaxiinta kala ah Bilaal Idiris Cabdilaahi Saynab Axmed Boqore.

Amaanka Teendhada Afiiyooni ee magaada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee loo xilsaaray sugida amaanka doorashooyinka dalka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]