4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Shil dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Gabilay
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Hal qof ayaa ku nafwaayay 4 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur nooca yar yar ee raaxada ahi, ku qalibmay degmada Gabilay ee Somaliland.

Shilka ayaa dhacay kadib markii mid kamida taayirada baabuurku qarxay, sida sarkaal katirsan ciidamada ilaalada wadooyinka Somaliland warbaahinta u sheegay.

"Shilka oo hal qof ku dhintay samir iyo imaan baan leeyahay inta kale ee dhaawaca ahna Alle caafimaad sareeca ah ha siiyo, waxaa sababay taayir qarxay, kolay sabab ayaa jirta  baadhistuna way socotaa" taliyaha ciidamada nabad galyada wadooyinka Gabilay ayaa sida yidhi.

Dadka shilka ku dhaawacmay, ayaa lagula tacaalayaa, isbitaalka guud ee magaalada Gabilay,

"Waxaa abaaro saaka 10 subaxnimo nasoo gaadhay 5 qof oo mid kamid ahi marka horeba mayd ahaa, qoyskiisana waxaanu leenahay samir iyo iimaan, 4 ta kale ee qof oo uu kamidyahay ninkii dirawalka ahaa waxaa lagula tacaalayaa qaybta adeega dag daga ah ee isbitaalka Gabilay" sidaa waxa tidhi sarkaal caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Gabilay.

Shilalka ayaa sanad walba galaafta nolosha boqolaal qof oo reer Somaliland ah, waxaana inta badan sababa wadooyinka oo aan fiicnayn, iyo wadayaasha oo lagu dhaliilo in anay samayn taxadarkii loo baahnaa.

Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online