4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Gabadh Soomaali ah oo lagu daray maamulka cusub ee ismaamulka Addis Ababa
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Faa'isa Maxamed Cumar oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ayaa loo doortay  Af hayeen ku xigeenka Golaha Xildhibaannada Maamulka Magaalada Addis Ababa.

Faa'isa ayaa horey usoo martay xilka Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska Maamulka Magaalada Addis Ababa, iyadoo hadda maamulkan cusubna ka qabanaysa mid kamid ah xilalka u sareeya oo ah Afhayeen ku xigeenka Golaha Xildhibaannada Maamulka Magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa oo ah caasimadda dalka ayaa waxa ay leedahay maamul gooni ah, oo 5tii sanaba mar lasoo magacaabo, waana ismaamulka labaad ee dalka ka jira marka laga yimaado ismaamulka Diridhabe.

Si guud dalka Itoobiya ayaa waxaa maalmahan kasocda dhisida xukuumad cusub, iyadoo degaannada dalkuna ay soo dhisayaan maamulo cusub oo badalaya maamuladii hore.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]