4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Ciidanka madaxtooyada Puntland oo dilay qof shacab ah oo dumar ah
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Ciiddanka madaxtooyada Puntland oo galbinayay madaxweyne Deni ayaa rasaas ku furay gaari yar oo nuuca raaxada ah oo uu watay qof shacab ah dumar ah.

Rasaasta ciidamadu ku fureen gaariga waxaa ku geeriyootay qof dumar oo lagu magacaabo Maryan Axmed Maxamed oo  katirsanayd shacabka Garowe.

Falkaan ayaa dhacay xilli uu madaxweyne Deni xalay kasoo laabanayay magaalada Qardho, halkaas oo uu shalay ku aaday safar kooban oo ololaha doorashada ah.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamadu ay ka shakiyeen gaariga qofka haweenayda ah wadatay, kaasoo la sheegay in uu  dhex-galay kolanyada madaxweynaha Puntland la socday.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]