4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Mahdi Guuleed: Guddoomiye Cabdi Xaashi waa lagula tartamayaa kursigiisa doorashada
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lagula tartamidoono kursiga uu ku qoran yahay oo markii hore uu kaligii ku qornaa.

Inkastoo raysal wasaare ku xigeenku sheegay in la waayay cid markii hore soo gudbisa in ay la tartamayso Cabdi Xaashi, haddana wuxuu sheegay in odayaasha ay markii dambe usoo gudbiyeen musharrax kursigaas kula tartamaya.

Musharrax lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen ayaa kursigaan kula tartamidoono guddoomiye Cabdi Xaashi. Balse, dhawaan waxaa warbaahinta kasoo muuqday shakhsiyaad dumar ah oo ka cabanayay in loo diiday in ay u tartamaan kursiga Cabdi Xaashi ku fadhiyo.  

Si kastabe ha ahaatee, Guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa maanta guda galaya doorashada, iyagoo dhageysanaya khudbaha 11 ka musharrax ee u taagan aqalka sare,.

Doorashada ayaa ka dhacaysa xerada Afisyoone, halkaa soo ku xaraysan yihiin ergada doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online