4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 26, 2021
Wararkii ugu dambeeyay ee Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo laga hor istaaggay Garoowe
 

Axad, September, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo maalmahan ku sugnaa Puntland ayaa saacado laga hor istaaggay inuu gudaha u galo Garoowe.

Booliska Puntland ayaa diidday in ilaalo iyo gaadiid uu watay Wasiirka oo maanta ka soo kicitimay degmada Dhahar ka hor istaagay inay gudaha u galaan magaalada Garoowe.

Sida ay oggaatay HOL , Wasiirka iyo wafdigiisa goor dhowr gudaha u galay Garoowe, iyadoo laga reebbay gaadiidka ciidan ee ay la socdeen ilaaladiisa.

Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in goor dhow uu ka qeybgalayo Wasiirka Qorsheynta Federaalka , kulan dadweyne, hadal uu ka jeedinayo waxaa la sheegay inuu diirrada ku saarayo maamulka deeqaha dalka, horumarinta qorshaha qaranka iyo xaaladda guud ee dalka.

Dhinaca kale, wasaaradda amniga Puntland waxay saacado ka dib is hor istaaga Wasiirka qorsheynta ay soo saartay qoraal looga mamnuucayo musharrixiinta inay adeegsadaan gaadiid ciidan.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online