4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Maxaa ka jira in Ikraan Tahliil Faarax ay gacanta u gashay Alshabaab ayna dileen?
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Ilo katirsan hay’addaha sirdoonka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh katirsanayd hay’adda NISA oo muddo dhowr bilood ah la weysan yahay, ay gacanta u gashay kooxda Alshabab.

Sida ay sheegayso xogtan, Alshabab waxay Ikraan Tahliil la aadeen dhinaca tuulada Dhay-tubaako oo hoos tagta degmada Dhoobley ee Jubbada hoose, waxayna xogtu intaas kusii daraysaa in ay Alshabaab halkaas ku dileen.

Hay’adda NISA ayaa dhawaan sheegtay in ay soo bandhigayso macluumaad dhameystiran oo ku saabsan, sida loo watay, halka ay ku sugan tahay Ikraan Tahliil iyo sida ay ugu gacan gashay kooxda Alshabaab.

Qaali Maxamuud oo ah hooyada dhashay Ikraan, ayaa idaacadda VOA u sheegtay, in saraakiil katirsan NISA oo gurigeeda ugu yimid ay ku wargaliyeen in gabadheeda ay gacanta ugu jirto Alshabaab ayna dileen.

“Aniga, wiiil ayaa ii yimiday, wuxuu i dhahay,“ hooyo, gabadhii dhinaca Shabaabay jirtaa, meel Dhey-tubaako la dhahaayaa lagu sheegay. Marka meeshaasaa gabadhii joogtaa, ama wey dilaayaan, koley in ay dilaayaan ayay u badan tahay,” ayay tiri Qaali Maxamuud oo la hadlaysay VOA.

Hooyo Qaali Maxamuud waxay si adag u beenisay in gabadheeda ay gacanta ugu jirto Alshabaab, waxayna tilmaamtay in ay la xidhiidheen dad ku sugan dhulka Shabaab maamulo, kuwaas oo u sheegay inuu warkaas been yahay.

Maqnaashaha Ikraan iyo jawaab la'aanta hay'adda NISA ayaa abuurtay shaki weyn oo ku saabsan in Ikraan ay ku maqan tahay gacanta NISA.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online