4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday 5 wasiir oo xukuumadiisa ka tirsana, 2 wasiir ku xigeen, wakiilkii Somaliland ee dalka Itoobiya, guddoomiyihii hay'ada shaqalaha  iyo guddoomiyihii baanka dhexe, madaxweynaha ayaa sidookale isku badal sameeyay.

Wasiirada xilka waayay ayaa kala ah, wasiirkii diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, wasiirkii beeraha Axmed Muunin Seed, wasiirkii biyaha Maxammed Muuse Diiriye, wasiirkii ciyaaraha Boos Mirre Maxammed iyo Jaamac Maxamuud Cigaal wasiirki macdanta iyo tamarta.

Wasiirku xigeenada iyo saraakiisha kale ee xilka laga qaaday ayaa kala ah, Cabdinaasir Cumar Jaamac wasiir ku xigeenkii warfaafinta, Cabdiqaadir Cumar Jaamac wasiir ku xigeenkii qorshaynta, Yuusuf Maxammed Guuleed wakiil Somaliland ee Itoobiya, Farxaan Aadan Haybe guddoomiyihi hay'ada shaqaalah, Cali Ibraahin Jaamac guddoomiyihii baanka dhexe.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista kadib masuuliyiin cusub u magacaabay xilalka banaanaaday.

Ciise Kayd Maxamuud ayaa loo magacabay jagada wasiirka arrimaha dibada oo mudo bilo ah banaanayd, Maxammed Xaaji Cismaan Jaamac ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha, Cali Xasan Maxammed Jaamac ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha, Cabdillaahi Faarax Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka tamarta, Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta, Cabdirisaaq Xaaji Ducaale qanbi ayaa loo magacaabay wasiirka ciyaaraha.

Wasiirku xigeenka qorshaynta ayaa loo magacaabay  Axmed Xasan Nuur, wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa loo magacaabay  Cabdiraxman Cali Cabdi Cali, wakiilka Itoobiya ayaa loo magacaabay Maxammed Axmed Maxamuud, guddoomiyaha baanka dhexe ayaa loo magacaabay, Cali Cabdillaahi Daahir, guddoomiyaha hay'ada shaqaalaha ayaa loo magacaabay Khaalid Jaamac Axmed.

Madaxweynaha ayaa sidookale isku badal ku sameeyay wasiirada wasaarada qaar iyo wasiir ku xigeeno.

Wasiirka caafimaadka ayaa loo magacaabay Xasan Maxammed Cali oo aha wasiirkii howlaha guud halka  wasiirka caafimaadka la geeyay qorshaynta, Cabdirisaaq Maxamed Cataash ayaa sidookale loo magacaabay wasiirka gaadiidka halka wasiirkii gaadidka  loo magacaabay  howlaha guud, Cabdillaahi Cabdiraxman Aare ayaa loo magacaabay wasiirka maal gashiga halka wasiirkii maal gashiga la geeyay xafiiska Somaliland ee Itoobiya.

Amb: Baashe Cumar Cali ayaa  loo magacabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada, liibaan Yusuf Cismaan ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka caafimaadka, Cabdinaasir Caydiid Maxamed wasiir ku xigeenka arimaha gudaha, Siciid Axmed Jibriil wasiirku xigeenka biyaha, Maxamed Xasan Nuur wasiir ku xigeenka qorshaynta, Muuse Ibraahin Yuusuf Wasiir ku xigeenka dalxiiska.


Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]