4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2021
Xasan Sheikh: Farmaajo talaabada uu ku laayay awooddaha RW Rooble waxay muujinaysaa inuusan doorasho rabin
 

Axad, September, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadii uu dhawaan madaxweyne Farmaajo ku laalay awoodaha Raysal wasaare Rooble ay muujineyso inuusan qorshaha ugu jirin doorasho.

Xasan Sheikh oo la hadlay warbaahinta wuxuu ku ammaanay Ra'iisul Wasaaraha inuu dabada ka riixayo doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo la isku wada raacsan yahay, wuxuuna cambaareeyay isku dayga lagu wiiqayo doorkiisa.

“Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo adigaa raysal wasaare rooble magacaabay, isla adigaa kowdii May noo sheegay in aad ku wareejisay arrimihii doorashada iyo amniga dalka. Billaahi Calayk ha inoo sheegin waan kala noqday, ileen caqliga saliimka aha ma aqbali karee,” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Madaxweynihii hore wuxuu muujiyay dareenkiisa ku aaddan hubin la'aanta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay meesha ka saarayso rajada muwaadiniinta iyo maal-gashadayaashii ka lahaayeen mustaqbal dalka.

Xasan Sheikh oo ka hadlayay kiiska Ikraan Tahliil wuxuu Farmaajo ugu baaqay inuu caddaalada garab istaago una hiiliyo qoyska Ikraan oo dulmi ka tirsanaya dowladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online