4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Hadal Jeedinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare oo ka socota Magaalada Jowhar
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle

Goobta ay ka socoto hadal jeedinta Musharaxiinta waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka kala tirsan guddiga doorashada  heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

27 Musharax ayaa si rasmi ah isku diiwaan gelisay oo shan ka mid ah yihiin haween, kuwaas oo ku tartamaya 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare, waxaana kuraasta qaar ku tartamaya halkii kursiba ilaa 5 musharax.

Guddiga doorashada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegeen in Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare loo soo xulay si cadaalad ku dheehan tahay, islamarkaana ay ku wada tartami doonaan si cadaalad ah.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ahaa maamulka kaliya ee aanan wali qabanin doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle xili maamulada qaar ay dhameystireen doorashada kuraastaasi,  sida Puntland iyo Koofur Galbeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]