4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Muqdisho kulan kula qaatay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo aay hoggaamineysay ku xigeenka Xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed.

Kulankan dhexmaray Madaxda Wadatashiga Qaran iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, amniga horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Kulanka madaxda wadatashiga qaran iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa dhanka aalada fogaan araga uga qeyb galay madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabeelle, iyadaoo madaxda maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug ay goob joog ka aheyn kulanka maanta Muqdisho ku dhexmaray golaha wadatashiga qaran iyo wafdiga Qaramada Midoobay ee maanta Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa kulanka ay la qaateen madasha wadatashiga qaran ka hor waxay kulan lasoo qaateen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay kala hadleen dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka, iyo dhowrista awood siinta siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed.

Kulankaan wafdiga Qaramada Midoobay ay maanta la kala yeesheen madaxweynaha iyo madaxda wadatashiga qaran ayaa imaanaya xili madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble oo u dhaxeeyo khilaafkii ugu darnaa ee abid soo kala dhex gala labada masuul.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]