4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 8 , 2021
Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay golihiisa wasiiradda kadib iscasilaadii wasiirkii amniga
 

Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay golihiisa wasiiradda la qaatay kulan saacaddo badan qaatay oo looga hadlayay dhaqdhaqaaqyada amni ee ka jira Galmudug.

Golaha wasiiradda Galmudug waxay kulankooda xoogga ku saareen saddex arrimood oo kala ah; amniga, dhaqdhaqaaqa ahlusunna Waljamaaca iyo dardar galinta arrimaha doorashooyinka.

Sida aan xogta ku helayno, waxaa Kulankan lagusoo hadal qaaday iscasilaadii wasiirkii amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo gadood ay sameeyeen ciidamo katirsan Galmudug.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlayay VOA Somali, ayaa sheegay in golaha wasiiraddu ka dooddeen sidii loo difaac lahaa jiritaanka Galmudug iyo xasiloonideeda

“Shirkayagu wuxuu mar walba daarnaa in la laban-laabo dagaalka aan kula jirno Alshabaab iyo in aan il gaar ah ku hayno daafaha badan ee doonaya in nabada Galmudug laga hortago,” ayuu yiri wasiir Axmed Shire Falagle.

Galmudug ayaa cabsi laga qabaa in ay ka dhacaan dagaallo ay isaga soo horjeedaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, taasoo ka dhalay markii Ahlusunna la wareegtay Guriceel.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online