4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Fannaanada Kiin Jaamac oo sheegtay in bandhig faneed keedu caawa dhacayo
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Fannanada Kiin Jaamac yare oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay ka joojisay bandhig faneed ay Hargaysa caawa ku qaban lahayd, ayaa sheegtay in bandhigeedi uu caawa dhacayo kadib markii ay ogolaansho ka heshay xukuumada.

Kiin iyo  DJ  Subeer oo siwada jira warbaahinta ugula wada hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in bandhigoodu uu sidii loo balan sanaa caawa qabsoomi doono.

DJ Subeer ayaa ogolaanshaha bandhiga uga mahadceliyay madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa.

"Waxan halkan ka caddaynayaa in bandhig-faneedkii walashay Kiin Jaamac yare, uu caawa dhacayo sidii awalba ay ahayd, dadka tigidhada qaatay, dadka suudhadhka gashaday waa inoo iyo caawa iyo Crown Plaza hotel, aad iyo aadna waxaanu ugu mahadcelinaynaa madaxweyna iyo xukuumada" ayuu yidhi DJ Subeer.

Kiin ayaa iyaduna dhankeeda u mahadcelisay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxayna sheegtay in bandhigeedu uu caawa qabsoomayo.

"Aad iyo aad baan idiin salaamayaa dhamaantiin, waxan idiin sheegaya sidii aan ku balan sanayn in showgeenii soconayo, waxan u mahadcelinayaa madaxweynaha iyo wasiiradiisa" ayay tidhi Kiin Jaamac.

Qoraal kasoo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa hore loogu joojiyay bandhig-faneedka.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]