4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi "Hirshabeelle gadaashey waxay noqotay sida NGO oo kale"
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si qota dheer waxa uu uga hadlay hanaanka ay ku dhisan tahay Hirshrabeelle oo uu sheegay inay tahay mid aanan xaq ku dhisneen oo xal ku dhisan.

Cosoble oo ka hadlaayay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 5-aad ee kasoo wareegatay markii la dhisay Hirshabeelle ayaa sheegay in Hirshabeelle aysan noqon sidii ku filaayay oo loo sameeyay.

"Aniga ma faraxsani sababto ah Hirshabeeladii aan soo dhisay iyo mida aan caawa dhex fadhiya labo ayay kala tahay, midaan soo dhisay waxay aheyd midaan laga hala rajo waxii soo qaldamay in la xaliyo sababto ah wax walba oo bilaaw ah waxbaa ka qaldama oo aayad quraan ah maahan, walow qaladaad badan ay jireen dhismahii Hirshabelle balse xal lagu dhisay ayay aheyd ee xaq laguma dhisin, lakiin wali waxa muuqata in 5 sano la is wareysan oo wax la sixin"ayuu yiri Cali Cosoble.

Wuxuu intaasi ku daray Cosoble in Hirshabeelle gadaashiis aay noqontay mid aanan waxba kusoo kordhin iney kadib u laabatay maahee.

"Waad ogtahiin waxii maalin dhaweyd markii madaxweynaha Hirshabeelle Baledweyne inuu yimaado la rabay waxa dhacay oo reer Hiiraan sameeyeen, maalin walbana reer Baledweyne way kasii darayaan cabashada ay ka qabaan Hirshabeelle maka hadii loo soo jeedo xalinta tabashada jirta waa la xalin karaa ee xalinta haloo soo jeesto"ayuu yiri madaxweynahii hore ee Hirshabeelle.

Gabagabadii Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale sheegay hadii arintu sidaa sii ahaato oo aanan si dhab ah wax looga qaban arimaha jira in Hirshabeelle ay kala tageyso.

"Runtii Hirshabeelle Cali Guudlaawe reer Baledweyne ma necbo ee xisaab ayaa jirta xisaabtankana labada isla dhalatay ayaa isku nacda, waxaase arinta u muuqata in Hirshabeelle inay noqon doonto mid maamul gobol ama magaalo kaliya ka jira oo lagu qanacsan yahay, Hirshabeelle waxay u muuqata mid NGO, ah ee hadii la rabo iney sii jirto waa in xisaabta la saxaa oo waxii qaldamay la toosiyo" ayuu yiri Cali Cosoble.

Hadalka madaxweynahii hore ee Hirshabeelle ayaa imaanaya xili maamulka Hirshabeelle muddo 5 sano ah laga diidan yahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]