4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Facebook, Instagram iyo WhatsApp oo hawada ka maqan Dunida oo dhan
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Adeegyada baraha bulshada ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa muddo saacado ah hawada ka maqan, kadib markii ay cilado soo wajaheen.

Shirkadda Facebook Inc ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadan.

"Waan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhibaato ku qabaan helitaanka barnaamijyeenna," Facebook ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter.

Facebook wuxuu sheegay inuu ka shaqeynayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan hawada ugusoo laabtaan, wuxuuna macaamiisha ka raali-galiyay wixii dhib ah.

Illaa iyo hadda si madaxbanaan looma xaqiijin karo cilladaha ku habsaday Facebook, Whatsapp iyo Instagram.

WhatsApp ayaa hoos u dhacay in ka badan 35,000 oo isticmaale ah, sidoo kale Facebook Messenger ayaa isna hoos u dhacay ku dhawaad 9,800 oo isticmaale ah, sida ay werisay Reuters.

Cilladan ayaa lagu sheegay in ay ka jiraan dhammaan dalalka laga isticmaalo adeegyada shirkaddahan, waana markii ugu horraysay oo saacaddo intaas le’eg ay hawada ka maqan yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online