4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo maanta lasoo gabagabeeynaayo
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Senatarada ku matalaya Hirshabeelle oo labadii kursi ee ugu dambeysay sideeda kursi ee Hirshabeelle doorashadooda maanta dhici doonto magaalada Jowhar.

Labada kursi ee maanta lagu dooranaayo magaalada Jowhar ayaa waxaa ku tartami doono ilaa shan Musharax, waxaana kursiga koowaad ee maanta ku wada tartami doono Musharaxiinta kala ah, Cali Shacbaan Ibraahin , Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalle Cabdi Xuseen, waxaana xusid mudan in kursigan doorashadiisa horay u fashilantay oo lagu kala tagay xili habeen ah oo ay doorashadiisa socotay, hasa ahaatee maanta ayaa markale doorashadiisu dhacaysa.

Kursiga labaad ee maanta doorashadiisa ka dhaceyso Jowhar waxaa isna ku tartami doona laba Musharax oo dumar ah kuwaas oo kala ah Naciimo Ibraahin Yuusuf iyo Samsam Cabdullaahi Axmed.

Waxaa sidoo kale jirta in laba kamid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee ku tartami lahaa kursiga labaad ee ah kan haweenka kaliya maanta ku tartamayaan inay ku dhawaaqeen inay isaga hareen tartanka, kuwaas oo kala ah Maxamed Axmed Kulmiye iyo Abuukar Xasan Cali Maqaneey.

Doorashadaan ayaa hadii maanta ay soo gabagabowdo Hirshabeelle ka dhigeysa iney soo dhameystirtay doorashada kuraasta Aqalka sare ee Hirshabeelle Senatarada uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]