4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Prof. Mubaarik Aar "Dadka laga masaafuriyay Laascaanood waa sharci daro"
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Prof. Mubaarik Ibraahin Aar, oo ka mid ah sharci yaqaanada ugu caansan Somaliland, ayaa sharci daro ku tilmaamay howlgalka ay xukuumada Somaliland gobolka Sool kaga masaafurinayso, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Mubaarik Aar oo waraysi khaasa siiyay muuqbaahiyaha Universal, ayaa falka ay Somaliland ku masaafurinayso dadka reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ku tilmaamay, fal kahor imanaya xuquuqda aadamaha.

"Dadkaa laga mastaafuriyay Laascaanood ee u dhashay Koonfurta Soomaaliya, anigu shakhsiyan waxan u arkaa shay aan sax ahayn, sababtu waxay tahay arrintani waxay kasoo horjeedaa, Islaanimoda, Soomaalinimada iyo shuruucda dalkeena, qof meel dagan in halmar la kaxeeyo oo caruurtiisa laga dhex kaxeeyo isaga oo aan warbadan hayn, arrin qaldan baan u arkaa" ayuu yidhi Prof. Mubaarik Aar.

Mubaarik Aar ayaa sheegay in dadka la masaafuriyay looga shakiyay, in ay ku lug leeyihiin dilalka soo noq noqday ee ka dhacay gobolka Sool, lakiin, aanu Dastuurka Somaliland ogolayn, in qof kaliya oo danbi galay loo ciqaabo bulsho dhan.

"Qodobka 25 ee Dastuurka Somaliland waxa uu sheegayaa, qofna danbi aanu galin laguma qaadi karo, qofka danbiga galay kaligii ayaa ka masuula danbiga uu galay cidkale kuma qaadi kartid, dadkan imika la masaafuriyay, waxa lagu tuhunsanyahay danbiyo badan oo meesha ka dhacay, lakiin, distoorku wuxu qaba qofkii danbiga galay oo kaliya ayaa ka masuula" ayuu yidhi Mubaarik Aar.

Xukuumada Somaliland ayaa maalintii Sabtida magaalada Laascaanood ka masaafurisay 700 oo qof, oo ah bulshada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo anay xukuumadu wali sheegin sababta keentay masaafurintooda, marka laga reebo taliyaha booliska gobolka oo sheegay in ay yihiin ajaanib sharci daro Somaliland ku joogay.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]