4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Ugu yaraan 2 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda
 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax Sabtidii xalay ka dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla duleedka caasimadda Uganda ee Kampala.

Sida uu Boolisku sheegay, qaraxu wuxuu ka dhacay abaarihii 9 -kii fiidnimo ee xilliga bandowga, goob wax lagu cuno oo lagu magacaabo Digida oo ku taal kaniisadda Komamboga.

Boolisku wali ma sheegin sababta dhabta ah ee qaraxa.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa qaraxa ka dhacay caasimadda Kampala ku tilmaamay fal argagixiso, wuxuuna wacad ku maray in la ugaarsan doono kuwa ka mas’uulka ahaa.

Ingiriiska ayaa 15 kii bishaan Octobar ka digay in argagaxisadu ay weerar ka geysan karto Uganda, laakiin booliisku waxay sheegeen inaan loo baahnayn in sare loo qaado heerka halista.

Afhayeenka booliiska Uganda Fred Enanga ayaa xaqiijiyay jiritaanka unugyo katirsan kooxaha argigixisada oo ku sugan dalka Uganda, isagoo intaas ku daray inay socdaan dadaallo lagu burburinayo.

Bayaan ay soo saartay dowladda UK waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay aad uga taxadaraan ammaankooda, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, xarumaha gaadiidka iyo maqaayadaha.

Ugu yaraan 35,000 oo dalxiisayaal ka socda UK ayaa booqda Uganda sanad walba. Imaatinka dalxiisayaasha sanadlaha ah ee Uganda ayaa sii kordhayay in ka badan 1.5 milyan ka hor cudurka faafa ee coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online