4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Wararkii ugu dambeeyay xaalada degmada Guriceel iyo taliyahii ciidanka DANAB ee Galmudug oo ku dhintay dagaalkii galabta
 

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay dib ula wareegeen gacan ku heynta xarumahii maanta ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa gabal dhacii maanta weerar rogaal celis ah kusoo qaaday degmada Guriceel oo duhurnimadii maanta gacantooda ka baxday.

Dagaalka rogaal celiska ah ee ciidamada Ahlu Sunna gabal dhacii maanta ku qaaday Guriceel ayaa yimid kadib markii gurmad ciidan ay heleen, kaasoo u suurta galiyay iney markale dib ula wareegaan gacan ku heynta xaruntii degmada iyo Saldhiga Booliiska degmadaasi.

Dagaalka gabal dhacii maanta ka dhacay degmada Guriceel oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ku dhintay taliyahii ciidanka DANAB ee maamulka Galmudug Cabdiladhiif Feyle, kaasoo la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac culus oo markii hore soo gaaray.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay dagaalka saakay ka biloowday degmada Guriceel, kaaso kala gaaray dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo iyo waliba qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee ku sugnaa xaafadaha degmada, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac inta uu gaarsiisan yahay.

Xaalada magaalada Guriceel ayaa Caawa ah mid aad u kacsan, waxaana gabalku uu ku dhacay daryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayo xaafadaha magaalada, waxaana lasoo sheegaya in Caawa magaalada aysan laheyn wax iftiin ah maadama adeegii Korontada la damiyay, waxaana wali la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa gudaha degmada, maadama ciidamadii dowladda ee lagala wareegay gacan ku heynta magaalada aysan ka fogeyn degmada nawaaxigeeda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]