4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya oo ka hortimid doorashadii guddiga olombikada Soomaaliyeed
 

Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaga soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga olombikada Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay magacowday guddi ka soo tala bixiya doorashada ay qabsadeen Guddiga, taasi oo ay wasaaraddu ku sheegtay inay baalmarsantahay sharciga u degsan dowladda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aanay waxba kala socon doorashadii guddigu qabsaday islamarkaana la iska indho tiray qoraal wasaaraddu u dirtay guddiga bilowgii bishaan, si loogu soo gudbiyo macluumaadka doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso go’aanka wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga :-



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online