Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Dowladda Uganda oo shaacisay in maxkamadaynayso Askartii AMISOM ee dadka ku laayay Golwayn
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay maxkamadaynayso askartii AMISOM ee toddobada qof ee rayid ah ku dilay tuulada Golweyn gobolka Shabeeladda hoose.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Guddiga Baaritaanka AMISOM (BOI) ay baaritaanno ku sameeyeen dhacdadan, taasoo lagu ogaaday in ciiddanka AMISOM uu si bareer ah u laayay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.
“AMISOM waxay la xisaabtami doontaa askarta ku lugta leh falkan, si loo hubiyo in caddaaladda loo adeego sida uu ku taliyay guddiga baaritaanka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska ciidanka Uganda.
Dowladda Uganda waxay sheegtay in maxkamadaynta askartan ay ka dhici doonto gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda Uganda waxay shaacisay inay la xiriirayso qoysaska dadka la laayay, si ay ugala hadlaan sidii Mag looga siin lahaa dadkii laga dilay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Guddi wasiirro ah oo raysal wasaare rooble u xilsaaray abaaraha Jubbaland oo gaaray Kismaayo
10/22/2021 3:34 PM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Wefdi wasiirro ah oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray arrinta abaaraha ka jira Jubaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Askari katirsan ciiddanka dowladda oo wiilkiisa ku dilay magaalada Muqdisho
10/22/2021 3:31 PM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka dowladda Soomaaliya, ayaa xalay wiilkiisa ku dilay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu soo kala dhex galay muran qoyska dhexdiisa ah, sida ay sheegeen goob joogayaal ah.
Midowga Afrika oo tababar ku saabsan la-dagaallanka xagjirnimada u qabatay booliiska Koonfur galbeed
10/22/2021 7:29 AM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay inay bilaabeen barnaamij tababar ah oo kor loogu qaadayo tayada saraakiisha booliska Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan weerarada Alshabaab.
Dowladda Serbia oo oggolaatay in dalkeeda lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya
10/22/2021 7:09 AM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Serbia ayaa ka mid noqotay waddamadda reer Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaacisay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya oo ka hortimid doorashadii guddiga olombikada Soomaaliyeed
10/22/2021 3:22 AM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaga soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga olombikada Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo bayaan kasoo saartay mowqifkeeda wax ka beddelka howlgalka AMISOM
10/22/2021 3:07 AM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qorshayasha uu wado midowga Afrika oo dhawaan taageeray hindise lagu doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.
Ahlusunna Waljameeca oo ciiddanka xoogga dalka uga digtay in ay dagaal kusoo qaadaan Guriceel
10/22/2021 2:04 AM EST
Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlusunna Wajamaaca Sheikh Maxamed Shaakir ayaa ciiddamada dowladda federalka uga digay in ay dagaal kusoo qaadaan magaalada Guriceel, iyagoo fulinaya dano gaar ah.
Somali News
US Cautions Citizens Against Travelling to Kenya
-
Kenyans
10/22/2021 1:19 PM EST
The United States of America has issued a travel advisory to its citizens travelling to Kenya and those currently living in the country.
AMISOM admits it killed civilians in Lower Shabelle
-
HOL
10/22/2021 2:38 AM EST
Nairobi (HOL) - AMISOM forces admitted that its peacekeepers unlawfully killed seven civilians in Somalia, promising that the soldiers responsible will be held accountable.
Tarabi re-elected as Somali National Olympic Committee President
-
ITG
10/22/2021 1:58 AM EST
Abdullahi Ahmed Tarabi has been re-elected as President of the Somali National Olympic Committee (NOC).
UPDF soldiers to be tried for killing seven civilians in Somalia
-
NTV
10/22/2021 1:56 AM EST
The UPDF has constituted a court-martial to try soldiers for killing seven civilians in Golweyn, Somalia. The civilians were killed in cross-fire after AMISOM troops encountered Al-Shabaab fighters.
President, PM reach truce after weeks of tension
-
HOL
10/22/2021 1:52 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister and President have agreed to end their longstanding political standoff on Thursday.