4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Ahlusunna Waljameeca oo ciiddanka xoogga dalka uga digtay in ay dagaal kusoo qaadaan Guriceel
 

Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlusunna Wajamaaca Sheikh Maxamed Shaakir ayaa ciiddamada dowladda federalka uga digay in ay dagaal kusoo qaadaan magaalada Guriceel, iyagoo fulinaya dano gaar ah.

Sheikh Shaakir ayaa dhinaca kale sheegay in ay soo dhoweynayaan baaqyada nabaddeed ee lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo isla markaana ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu xalliyo wixii tabasho ah.

“Waxaan nahay dadkii ciiddanka xoogga dalka ku towjiidanayay la dagaalanka argigixisada. Waxaan rabnaa in ay garab noogu noqdaan amniga Galmudug,” ayuu yiri Sheikh Shaakir, hoggaamiyaha Ahlusunna.

Hoggaamiyaha Ahlusunna wuxuu nasiib darro ku tilmaamay shacabkii Guriceel laga baracakiyo guryahoodii, taasoo uu mas’uuliyaddeeda dusha ka saaray maamulka Galmudug oo duulaan ku ah Guriceel.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online