4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 20, 2021
Shiinaha oo sheegay inuu Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiska ciiddanka xoogga dalka
 

Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.

Intii wadahadalladu socdeen, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Danjiraha uga warramay dib -u -dhiska ciidamada qaranka, oo lagu wado inay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, sannadka soo socda.

Shengchao wuxuu ammaanay dadaallada dowladda ee dib -u -habeynta ciidamada, isagoo u ballanqaaday wasiirka in Beijing ay kaalmo siin doonto ciiddanka qalabka sida, si ay mar kale Soomaaliya u hesho ciidan xoog badan.

Safiirka China ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso sidii ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd iyadoo bixineysa kaalmo dhaqaale iyo mid milateri iyo weliba dhinacyada horumarinta iyo bani’aadamnimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online