4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 19, 2021
Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay maraakiibta jarriifka ku haysa badda Soomaaliya
 

Talaado, October, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay kalluumaysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye ka wadaan badda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr, Saleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay gacanta kusoo dhigidoonto maraakiibta gurranaysa kheyraadka ku jira badda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in dowladdu xoojinayso dadaallada lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo uu ku tilmaamay masiibo qaran oo u baahan wax ka qabasho.

"Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya waxa uu yahay masiibo qaran oo ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee Soomaaliya kheyraadkeeda ka jira, waana midda ugu weyn," ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Hadalkaan ayuu xeer ilaaliyuhu sheegay xilli maanta uu soo dhoweynayay howlwadeeno dowladda usoo tababartay wax ka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Wuxuu  xeer ilaaliyaha ciidamadda badda ugu baaqay in ay soo qabtaan maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online