4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 19, 2021
Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay iskaashiga amniga baddaha
 

Talaado, October, 19, 2021 (HOL) - Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhida dalka Pakistan, Khadija Mohammed Al Makhzumi ayaa la kulantay taliyaha ugu sarreeya Ciidanka Badda Pkaistan, Admiral Mohammed Amjad Khan Niazi.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka ciidamada badda Pakistan, safiirka Soomaaliya Khadija Muhammad Al-Makhzumi ayaa booqatay xarunta ciidamada badda ee Islamabad.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Pakistan ayaa sheegay in kulanka danjiraha Soomaaliya iyo madaxa ciidamada badda Admiral Muhammad Amjad Khan Niazi looga hadlay arrimo khuseeya labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyo iskaashiga baddaha.

Afhayeenka ciidanka badda ayaa intaas ku daray in safiirka Soomaaliya uu ammaanay doorka ciidamada badda Pakistan ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online